Imaaraadka oo bilaabay masaafurinta dad ka soo jeeda dalka Jabuuti.

Imaaraadka oo Bilaabay musaafurinta Muwaadiniin kasoo jeeda dalka Jabuuti

Muqdisho (Kalshaale) Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bilowday in dalkeeda ay ka erido Muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Jabouti, kadib go’aankii ay dowlada Jabouti dalkeeda uga ceydhisay Shirkada DP World.

Dowlada Imaaraadka, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Gudaha ayaa muwaadiniinta Jabouti ku wargalisay inay isaga baxaan dalka marka ay dhameystaan wakhtiga uga harsan sharciga dal ku jooga.

Qeybta dowlada Imaaraadka Carabta u qaabilsan ajaaniibta ayaa boqolaal muwaadiniin Jabuutiyaan ah ka eriday dalka, kuwaa oo ceyrintooda ay kusoo beegmatay xili ay dowlada Jabouti ku dhawaaqday go’aanka ay dalkeeda uga erida DP World.

Dowlada Jabouti ayaa arrin sahlan ku sheegtay in Imaaraadka uu qaado talaabo ceynkaasi ah, maadaama ay diidmo ka muujiyeen howlaha shirkada DP World.

Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele oo la gaarsiiyay Jawaabta ka dhalatay eryinta DP World ayaa soo dhaweeyay ficilka dowlada Imaaraadka Carabta, waxa uuna tilmaamay in dadka la eryinaayo aysan heyn dal la’aan.

Dhammaadka bishii tagtay dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday iney ka laabatay heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Carabta.

Dowlada Jabuuti waxa ay ku eedeysay maamulka Shirkada DP World amar ku taagleyn iyo inay garan weyday in dhulka lagu heshiiyay uu yahay dhul Jabouti.