In ka badan 30 ruux oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ka dhacay Kabul

In ka badan 30 ruux oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ka dhacay Kabul

by A M Monday, Jul 24, 2017 

July 24 (Jowhar)— In ka badan 30 ruux ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Caasimada Afghanistan ee Kabul, iyadoo mas’uuliyada weerarka ay sheegatay kooxda Taliban.

Weerarkan ayaa ka dhacay galbeedka magaalad,a gaar ahana degmo ay ku badan yihiin dadka shiicada, waxaa qaraxa lala beegsaday bas ay saarnaayeen shaqaalaha dowladda ee u shaqeynayay wasaaradda miinooyinka.

Illaa 42 kale ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay intaas ka badato.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay inay bartilmaameedsaday Saraakiisha Ciidamada Sirsoonka Afghanistan.

Magaalada Taliban ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro dad badan ay ku dhinteen, waxaana weeraradaas mas’uul ka ahaa Kooxaha Taliban iyo Daacish.