Isbeheysiga Sucuudiga oo dib u bilaabay duqeynta Yaman

Isbeheysiga uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa dib u bilaabay duqeynta dalka Yaman.

Waxa ay bartilmaameed sadeen nawaaxiga magaalada Sanca oo ay maamulaan mucaaradka Shiicada Xuutiyiinta.

Duqeynta ayaa dib u billaabatay ka dib markii ay dhammaatay seddax maalmood oo xabad joojin ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Weerarka dhanka hawada oo saaka bilowday waxaa lala eegtay xarumo ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Mucaaradka Shiicada ayaa dagaal kula jira dowladda beesha caalamku aqoonsan tahay.

Seddaxdii maalmood ee xabad joojinta ay socotay, Qaramada Midoobeey waxaa u suurta gashay inay cunto gaarsiiso deegaanada go’doonsan.

Waxay sidoo kale Qaramada Midoobeey dalbaneysaa in la kordhiyo muddada xabad joojinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yaman waxa uu sheegay in Xuutiyiinta aysan xushmeyn heshiiska xabad joojinta.