
Israa’iil ayaa si rasmi ah u diiday casuumaada dawlada Faransiiska inay ka qayb qaataan shirka nabadda Bariga Dhexe ee Paris ka dhacaya dhamaadka sannadkan, iyagoo leh, waxay ka jeedineeysa hadafka ugu weyn ee wadahadalo toos ah ay la yeelanayaan Maamulka Falastiin.
Waxay u sheegeen danjiraha Faransiiska in booska Israa’iil ay ka taagantahay in kor loogu qaado geedi socodka nabadda iyo in heshiis la gaaro ay imaan karta kaliya iyada oo loo marayo wada xaajoodka si toos ah u dhexeeya reer binu Israa’iil iyo Falastiin,” xafiiska Netanyahu ayaa sidaas ku sheegay war qoraal ah.
Ma jirin jawaab degdeg ah oo Ergayga Faransiiska Pierre Vimont, laakiin wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska ayaa sheegay in ay weli qorsheeynayaan in la qabto shirka ka hor dhamaadka sanadkan