Itoobiya: Xiriir lama samayno maamul goboleedyada annaga oo aan fasax u haysan – VIDEO

Raysalwasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn oo uu dhinac taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa la weydiiyey sababta ay Dowladda Federaalka ugu gacan dhaafaan maamul goboleedyada oo xiriir toos ah ula sameeyaan.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay xiriir dhaw la wada leeyihiin dhamaan hoggaamiyaasha Soomaaliya, markii ay doonayaan in ay la xiriiraan maamul kamid ah Federaalka Soomaaliya waxaan oggolaansho weydiisanaa Dowladda Federaalka ayuu yiri, xitaa maamulkii hore ee Soomaaliya.

Raysalwasaare Desalegn ayaa tusaale u soo qaatey dalkiisa oo uu sheegay in uu yahay federaal oo aanu dal kale isaguba ka yeeleen in uu xiriir la sameeyo mid kamid ah Federaalka Itoobiya isaga oo aan la ogeysiin.

Qunsuliyadaha

Warar aan la xaqiijin oo labada dhinac midna ka hadal ayaa sheegaya in wefdiga Federaalku ay Itoobiya kala hadleen qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay qaar kamid ah maamul goboleedyada, Itoobiya ayaa sheegtey in Qunsuliyaduhu ay hoostagaan Safaaradda Muqdisho ayna fududeeyaan hawlaha isu socodka sida bixinta dalkugalka (Visa).

Qaybsiga Kheyraadka Webiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar o warbixin ka siiyey golaha wasiirada safarkii Itoobiya ayaa sheegay in qodobada kale ee Itoobiya ay kala hadleen ay kamid ahayd Dhibaatooyin soo noqnoqdey oo ka taagan Webiyada dhanka Itoobiya ka soo burqada. YUsuf Garaad ayaa sheegay in guddi loo saarey baaritaan sameeya soona diyaariya warbixinada la xiriira arrimahaas.

Webiga Shabelle ayaa sanadkii hore laba jeer biyihiisa la waayey oo ay gureen, waxaana lagu eedeeyey Itoobiya in ay ka danbeysey.

Deeq Waxabarsho

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ay sanadkan ugu deeqayaan deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo aredey, taas oo loo qaybin doono guud ahaan Soomaaliya.