Jaamacadda SIMAD oo xaflad qalin jebin qabatay.

Jaamacadda SIMAD oo xaflad qalin jebin u qabatay 61 arday qaadatay Shahaadada Master Degree

by A M Thursday, Jul 20, 2017 

July 20 (Jowhar)— Xarunta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta xaflad Qalinjebin ah u qabtay Illaa 61 arday oo dhameysatay shahaadada labaad ee heer Jaamacadeed (Masters Degree).

Munaasabada ay shahaadadooda rasmiga ku qaadanayeen ardaydan oo ah dufcadii 3aad ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD, ardaydii horay uga baxday, ardayda hadda dhigata iyo marti sharaf kale.

Hormuudka Qeybta Daraasaadka Sare ee jaamacadda SIMAD Dr. Amina Omar Mohamud oo hadal ka jeedisay xafladda ayaa ugu horeyn u hambalyeysan ardayda qalinjebinayey, waxayna sheegtay in tallaabadani ay dad badan u xaqiijinayso in waxbarasho heer sare ah oo dalka wax ku soo kordhisa laga heli karo gudaha waddanka ayadoo aanan dibadda la aadin.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Carab ayaa hambalyo u diray ardaydan, waxaana uu ku dhiira geliyay in aysan waxbarashadooda halkan ku ekeyn oo ay sii dadaalaan oo aqoonta iyo qibradda ay hayaan ugu faa’ideeyaan dadkooda iyo dalkooda..

Gudoomiye Daahir Xasan ayaa hambalyo gaar ah u diray ardayda ka qalinjebisay shahaadada sare ee Maamulka Mashaariicda (Master of Project Management). Waxa uu xusay in taqasuskan uu dalku aad ugu baahanyahay; ardaydana ay yihiin dufcadii ugu horeysay ee ka qalinjebisa daraasaddan sare.

Mid ka mid ah ardaydii qalin jebinayay oo lagu magacaabo Ibrahim Nuur Guuleed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo dalkiisa jooga uu qaato shahaadadiisa labaad, ayna fursad uu abuuranto, isagoo aan dalkiisa ka tagin wixii uu bartay ku dalacay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ayaa mid mid scroll-ka u guddoonsiiyay ardayadii dhameysay waxbarashada sare.