Jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya oo halis ugu jirta Folkaano

Jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya oo halis ugu jirta Folkaano

folkaana

Mas’uuliyiinta dalka Induniisiya ayaa feejignaantii ugu sareysay geliyay jasiiradda loo dalxiiska taga ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabo in folkaana uu halkaasi ka qarxo.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka kaliya eek u yaalla jasiiraddaasi.

Waaxda qaran ee maareynta masiibooyinka ayaa sheegeysa in folkaanaha buurta Agung uu hadda ku dhow yahay in uu qarxo, waxaana maadooyin shiilan la arkay iyaga oo ka burqanaya afka folkaanaha.

Daruur ka samaysan uumi ka baxay folkaanaha ayaa gaaray joog gaarsiisan 4,000 oo miitar

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ugu qaabay in 12 kilo mitir aysan u soo dhaafin buurtaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa la geeyay guryo ku meel gaar ah.

Folkaanaha buurtaasi ayaa markii ugu dambeysay qarxay sanadkii 1963, waxaana xilligaasi ku dhintay 1600 oo qof.