
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka inay ka qeyb qaateen dagaalka Gaalkacyo.
Jen. Diini oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONNA ayaa meesha ka saaray in wax ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galay dagaalka Gaalkacyo.
“Ma jirto ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ka qeyb qaatay dagaalka Gaalkacyo, warkaas waa waxba ka jiraan oo fadhi ku dirir meelaha la wado”ayuu yiri Jen. Diini.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. Diini ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay dagaalka joojiyaan, una turaan dadka maatida ah ah.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay dagaalada Gaalkacyo, ciidankeedana ku lug leeyihiin.
Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid jahwareer ka taagneyd tan iyo markii 8-dii bishan uu bilowday dagaalka u dhaxeeyay maamulada deriska ah.