John Kerry oo doonaayey in awood Miletery loo isticmaalo Xukumadda Siiriya

United States Secretary of State John Kerry delivers a statement following a meeting of the International Syria Support Group, Thursday, Sept. 22, 2016, in New York. (AP Photo/Jason DeCrow)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa ku sheegay cajil dhegaysi ah oo New York Times heshay in uu ku fashilmey dedaal uu ka dhex wadey Xukuumadda Maraykanka dhexdeeda, taas oo suurtagal ka dhigeysey in awood loo isticmaalo Ragiimka Siiriya, haddii lagu fashilmo Diblomaasiyadda.

– Ma jirto cid kale oo naga caro badan waxa aan dareemayno, ayaa laga maqley cajilka ay heshey New York Times, kaas oo ay ku faafisey website-keeda.

Kerry ayaa shir la qaadanaayey markii cajilka la duubey kooxo kamid ah bulshada rayidka ah ee Siiriya iyo kuwo ka socda hay’adaha gar-gaarka kaas oo ka dhacay dhismaha Qaramada Midoobey ee New York, mudadii uu socdey shirkii loo dhamaa ee Umadaha Midoobey.

– Waxaa jira saddex ama afar qof oo maamulka kamid ah oo u ol-oleeya in aan isticmaalno talaabo Mileteri, doodaas waa la iiga guuleystey ayaa laga dhegaystey cajilka ay heshay NYT, Kerry oo dhahaya.

Kerry ayaa sheegay in Ruushku aanu ilaalin sharciyada caalamiga ah, laakiin Maraykanku ilaaliyo!.

Xogayaha Arrimaha Dibadda ee maraykanka John Kerry ayaa isku dayey kuwii uu shirka la qaadanaayey in uu ka dhaadhiciyo in Maraykanku aanu haysan wax sharciyad ah oo uu weerar ku qaado Xukuumadda Bashar al-Assad oo haysta sharciyadda maamul ee dalkaas, taas oo dalkeeda u oggolaatey Ruushka oo ay xulafo yihiin.

– Waxaan isku dayney in aan raacno waddooyinka Diblomaasiyadeed, waan ogahay in dad badan ka caraysan yahay, laakiin ma jirto cid naga caro badan marka la eego xaaladda Siiriya ayuu yiri.

Shirka Kerry la yeeshay kooxda ka socotey Siiriya ayaa yimid maalmo kadib markii uu burburey heshiiskii xabbad joojinta, kaas oo Kerry ka soo shaqeynaayey muddo dheer.