Kaniisad ku taal Masar oo dad lagu laayey

Kaniisad ku taal Masar oo dad lagu laayey

Qaraxu wuxu ka dhacay kaniisadda gudaheeda oo duco ka socotoLahaanshaha sawirka AFP
 

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhintay in ka badan 100 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gudaha kaniisad ku taal magaalada Dandaa oo ah xarunta gobolka galbeed ee dalka Masar, sidanaa waxa xaqiijisay wasaaradda armiha gudaha dalka.

 Waxa qarxay waxa uu yahay ilaa haatan lama oga, cid masuuliyaddiisa sheegatayna ma jirto, waxase jirtay in ciidanka nabad gelyada Masar marka horeba heegan la geliyey ka hor ciiddan maanta masiixiyiintu u dabaal degayeen ee la yidhaa Axad assacaf oo ah maalin masiixiyiintu u dabaal degaan maalintii Axadda ahayd ee nabi Ciise calayhi salaamay galay magaalada Quddus.

Weerarkan waxa lala beegsaday kaniisadda Maar Jirjis oo ku taal magaalada Danda ee xarunta gobolka woqooyi ee Delta Niil.

Telefishannada dalka masar qaarkood ayaa sheegay in dadka dhaawacmmay haatan tiradoodu gaadhayso 40 qof dhimashaduna waxay haatan maraysa 25.

Xogo laga helay nabad sugidda ayaa sheegay in ciidamada nabad gelyadu ay baadhayaan xaafadaha ku hareeraysan kaniisadda qaraxau ka dhacay, dhoolliyaduna waxay weli halkaa ka gurayaan dadkii dhaawaca ahaa.

Qaraxani wuxu dhacay iyadoo tobaneeyo cisho uun ka hor weerarro hore lagu qaaday xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada nabadgelyadu oo ku taal isla magaalada Danda, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari toban kalena lagu dhaawacay.

Weerarada lagu qaado masiixiyiinta masar ayaa sannadii u dambeeyey isasoo tarayey gaar ahaan tan iyo sannadkii 2013 kii oo milatarigu af-gambiyeen madaxweynihii la doortay ka dibna ay bilaabeen in ay gacan bira ku qabtaan kooxaha islaamiyiinta ah.

Bishii Feberuary ee la soo dhaafay ayaa koox mitidiin ah oo ka tirsan kooxda la baxday dawladda Islaamku waxay sheegeen in ay weerraro ku qaadi doonaan Qibdiyiinta dalka oo bulshada dalkaas ka ah boqolkiiba toban.