
Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay 3 Ruux ku sugnaa Magaalada Gaarisa kuwaasi oo doonayay in ay yimaadaan Dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Raggan ay qorsheenayeen in tababaro kala duwan ay ka soo qaataan Xeryaha Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Xeer Ilaaliyaha Dalka Kenya ayaa ku eedeeyay dhalinyaradan in ay ka mid yihiin Xarakada Al Shabaab, islamarkaana sharciga la waafajin doono.
Booliska Dalka Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay kordhiyay howlgallo lagu qab qabanayo Dadka lagu tuhma Xarakaa Al Shabaab.
Howlgalladan ay sameynayaan Xoogaga Kenya ayaa waxey ka dambeeyeen kadib markii Weeraro dhowr ah ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Dalkaasi.
Shalay ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Haameey oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Kenya.