Kulan Taariikhi ah oo Dhexmarey Trump iyo Kim

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore.

Kulankan oo caalamka oo dhan indhaha uu ku hayo ayaa labada madaxweyne ay isku salaameen, waxana uu Madaxweynaha Maraykanka sheegay inay sharaf u tahay inuu la kulmayo Kim Jong-un kaasoo uu filayo in xiriir cajiib leh ay yeeshaan.

Trump ayaa u sheegay weriyaasha inay tahay arrin weyn ayna wadahadal yeelan doonaan taasoo guul weyn ay ka soo baxayso.

Dhinaca kale hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in aysan ahayn mid fudud sida uu kulankan ku dhacay ayna ka soo guuleysteen mashaakilaad badan oo ku dadbanaa kulankooda.

Labada hogaamiye ayaa waxaa ay yeesheen kulan gaar ah oo weriyaasha banaanka loogaga saaray waxaana loo oggolaaday oo kaliya tarjubaanadooda. kulankan ayaa soo dhamaaday markii uu soddon daqiiqo uu socday waxana labada hogaamiye ay ku soo biireen madaxdii la socotay oo ay wasiirada arrimaha dibada labada dal ka mid ahaayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu socdo haatan kulan ballaaran oo wafdiga labada dhinac ay isku soo horfariisteen waxaana la filayaa in ay qado wada yeelan doonaan inta uusan soo dhamaan kulankooda.