Kumanaan ka barakacday dagaalada ka so cda ShabeelooyinkaIbrahim Aden

Kumanaan ka barakacday dagaalada ka so

cda ShabeelooyinkaIbrahim Aden

Daawo: Qaar ka mid ah barakacayaasha oo BBC-da la hadlay

In kabadan toban kun oo qof ayaa bishan ku barakacay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya sida ay sheegtay hay’adda qoxootiga ee dalka Norwey.

Kumanaankan qof ayaa ku biiray xeryahii markii horeba buuxay ee ay ku jireen qoysaska dadka gudaha ku barakacay.

Qoysaska badankood ayaa ka soo qaxay tuulada Basra oo ku taala halka ay iska galaan labada gobol, waana tuulo dhul beereed ballaaran leh, dadkeeduna ay ka shaqaysataan beeraha. Barakacan cusub ayaa bilaabmay kadib markii ciidammada dawladda oo ay taageraayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Maraykan ah ay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaanadaasi.

Xabiibo Buraale Cali oo ka soo qaxday deegaanka Basra ayaa BBC-da u sheegtay inay u adkeysan waayeen hubka dhinacayada dagaalamaya ay isku ridayeen.

 

Barakacayaasha

“Basra ayaan ka soo qaxay, waxan ka soo qaxay dagaal iyo rabsho iyo hubka la isku ridayay, caruurta ayaan la soo baxsaday, dadkeenii, beertinii iyo dhulkeenii ayaan ka soo tagnay, inta ayaana ku dhibaataysannahay, waa soo dhibtoonay, dhib inooma harsana.”

Qoysaskan oo ay ka muuqato diifta ay ka qaadeen safarkii ay kaga yimaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen ayaa sheegaya inaanay la soo bixin wax hantiya, kana soo tageen beerihii ay noloshooda ka soo saaran jireen.

Isbaarooyinkii gobolka Shabeelaha Hoose oo la qaadayo

Xabiibo Idiris Daahir ayaa BBC-da u sheegtay in mudo shan iyo toban maalmood ah ay ku sugantahay duleedka Muqdisho, duruuf adagina ay ku haysato.

“Basro ayaan ka soo qaxay, dagaal xoog leh ayaa dhacay, dagaalku wuxuu bilowday maalin Isniin ah, nafta ayaan la soo cararnay, dagaalkuna wuu sii xoogeystay, halkan ayaan joognaa, wax aan ku haysanana ma jiraan, dadkii xaafadda daganaa oo dhan way soo qaxeen.”