Kumanaan ruux baa isku soo baxay oo taageeraaya midnimada Spain (Sawiro)

Kumanaan ruux oo ka qeybgalay banaanbaxyo lagu taageerayay midnimada Spain (Sawiro)

by mahad | Sunday, Oct 29, 2017 

October 29 (Jowhar)—Kumanaan ruux ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo ay dhigeen dad taageersan midnimada dalka Spain kana soo horjeeda ka go’itaanka gobolka Catalonia wadanka Spain intiisa kale.

Dad banaanbaxayay gaar ahaan caasimada Catalonia ee Barcelona ayaa waxaa ay ku dhowaaqayeen in xabsiga la dhigo hogaamiyihii hore ee Catalania oo xilka laga qaaday Carles Puigdemont.

Mr Puigdemont ayaa waxaa xilka ka qaaday dowlada dhexe ee Spain taasoo la wareegtay dhammaanba maamulka Catalonia.

Hase yeeshee wasiir ka tirsan dowlada Belgium ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu siiyo magangalyo siyaasadeed hogaamiyihii hore ee Catalonia.

Dalka Spain ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay hareeyay shaqaaqo ka dhalatay afti laga qaaday shacabka Catalonia taasoo ay ku sheegeen kooxaha gooni goosadka inay  ka go’een dalka intiisa kale kadib markii boqolkiiba sagaashan dadkii codeeyay ay oggolaadeen in Catalonia ay ka go’odo Spain inteeda kale.

Dadka ka soo qeybgalay banaanbaxa ka dhacay Barcelona oo kaliya  kana  soo horjeeday goosashada Catalonia ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaareysay saddex boqol oo kun oo ruux,hase yeeshee xukuumada Madrid ayaa ku tilmaantay tirada inay ka badneyd hal malyan oo ruux.