Kuuriyada Koofureed: Uma oggolaan doonno Mareykanka in nukliyeer uu keeno ciiddeenna

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa in dalku uusan ku talo jirin qorshe Mareykanka loogu oggolaanayo in hubka nukliyeerka uu ku soo daad gureeyo ciiddeeda.

Yonhap ayaa soo xigatay afhayeen madaxtooyada u hadlay, kaas oo sheegay in wax is beddel ah uusan ku imaan damaca xukuumadda Seoul ee ku aaddan in dhulka Kuuriya laga dhigo mid hubka nuliyeerka ka caaggan.

Sabtidii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa sheegay in Aqalka Cad laga yaabo in hubka nukliyeerka uu geeyo Kuuriyada Koofureed haddii la weydiisto. Kuuriyada Koofureed ayaa dhowaan oggolaatay in afar ka mid ah hubka difaaca gantaallada oo dheeri ah la geeyo dalkeeda, tan oo daba socota tijaabadii nukliyeerka ugu dambeysay ee Kuuriyada Waqooyi ay sameysay.