Kuuriyada Waqooyi oo shaacisay in ay ku guulaystay tijaabada hub Nukleer ah

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabada hub Nukleer ah oo ay xanbaari karaan gantaalada riddada dheer.

Kuuriyada waqooyi ayaa waxa ay sheegtay in si buuxda ay ugu guulaysatay tijaabadii lixaad ee hubka Nukleerka.

Xukuumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay tijaabisay banbaano hydrogen ah oo ka awood badan Bamka atoomikada.

Khubarada lafagura arrintan ayaa waxa ay sheegeen in sheegashadan ay tahay in si taxadar leh loo eego balse Kuuriyada waqooyi ay awoodeeda sii balaarinayso.

Markii ugu danbaysay oo ay tijaabo Nukleer ay samayso Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd September 2016.

Kuuriyada waqooyi ayaa iska dhagatirtay cadaadiska caalamiga ah ee ku baaqaya in ay joojiso tijaabinta gantaalada iyo Nukleerka.