
Shirkii magaalada Lausanne ee dalka Switzerland Sabtidii shalay uga furmay wadamada Maraykanka, Ruushka, Dalalka Carabta iyo IRAN ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, iyadoo dhinacyadaasi weli ku kala fog yihiin xal u helida dagaalka ka socda wadanka Siiriya.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in wareegan hore ee shirka uu ahaa mid fikir isdhaafsi ahaa oo markii horeba aan la fileyn in wax go’aano ah laga soo saaro, arrintan oo tusaale u tahay heerka u gaarsiisan yahay kala fogaanshaha dhinacyada isku haya dagaalka Siiriya.
Shirkan oo ahaa kii ugu danbeeyey ee lagu doonayey in xal loogu helo dagaalka Siiriya ayaa kusoo beegmay xili Ruushka uu dardar geliyey duqeynta uu ku hayo dhulka ay ka taliyaan xoogaga Mucaaridka Siiriya, isla markaana ay sii kala fogaanayaan dalalka Maraykanka iyo Ruushka.
Waxaa weli jirta cabsida ah in dagaalka Siiriya uu mustaqbalka soo dadajiyo isku dhac militari oo dhexmara dalalka Maraykanka iyo Ruushka.