Liiska Lacagaha Malaayiinka Dollar ah ee loo qoondeeyey Biyo Balaadhinta Magaalada Hargeysa iyo Musuqa Hadheeyey Hayadaha Biyaha – WARBIXIN

Bal hoos udhugo oo u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ka ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo laguna horumariyo Biyo gelinta Caasimada Hargeisa oo ilaa iyo hada ay Biyo la’aan baahsani ay ka jirto:

1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar

2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ku jirto

3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay dawlada JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa $8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii higsiga qaranka ee 2012-2016 biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar.

5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar

6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa isna Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar

9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.

Isku darka lacagahaa aan kor ku soo taxay ayaa noqonaysa Total: $153.5 Million Dollar . lacagtan faraha badan ee loo qoondeeyey Qorshe Hawleedyada Higsiga Qaranka ee (2012-2016 ) ee mashaariicda dib u habeynta iyo horumarinta fidinta biyaha Caasimada Hargeisa ayaa ilaa hada laga haraadan yahay. Waxaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo fo’aan araga aqoon yahanka reer Hargeisa ay isweydiinayaan meesha ay martay iyo ceel biyoodyada ay ku baxday lacagtaa tirade badan ee Malaayinka Dollar ka kor u dhaaftay ee Aduunku inoogu deeqay.

Anigu Daaha kama rogine ee dadkuba wuu arkaayaa!!

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London