Maamul goboleedyada oo kulan deg deg ah ka yeelan doono muranka doorashooyinka

Maamul goboleedyada oo kulan deg deg ah ka yeelan doono muranka doorashooyinka

4 Saacadood ka hor (xigashso BBC Somali Service)

Madaxweynaha Puntland (Midig) ayaa sheegay inuusan ka qeyb gali doonin shirka ay dhawaan yeelanayaan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Puntland Deni iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe

War murtiyeed ay soo saareen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa isku raacay inay Khamiista kulan ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Wadahadallo xalay khadka Whatsapp-ka ku dhexmaray madaxda shanta maamul goboleed ee dalka ka jira, ayaa la isku afgartay in si deg deg ah ay shir wada jir ah isugu yimaadaan madaxdaasi.

Waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland, Saciid cabdullaahi Deni, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor, madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Arintan ayaa imaaneysa, kadib markii uu baaqday shir uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray maamul goboleedyada oo lagu waday inuu Muqdisho ka qabsoomo 5-8-da bishan July, kadib markii maamullada Puntland iyo Jubbaland ay diideen in ay shirkaas ka qeyb galaan.

Shirkii baaqday

Shirka shalay baaqday ayaa qorshuhu ahaa in looga hadlo arimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee dalka, iyadoo si gaar ah lagu waday in diiradda lagu saaro waqtiga dastuuriga ah ee hay’adaha fadaraalka ee uu xilligeedu dhammaanayo.

Waa markii seddaxaad ee uu baaqdo shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo uu ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore Madaxweynuhu shir ku baaqay, balse ay maamul goboleedyadu qaadaceen.

Khilaafkan cusub ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa yimid kadib markii uu muran xooggan ka dhashay dib u dhac la sheegay in laga yaabo inuu ku yimaado xilliga doorashada dalka, iyagoo maamullada ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo in aanu fulin qodobadii ay ku heshiiyeen ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada uu ka doodayo Baarlamaanka.

Soo jeedinta Xaliimo Yareey

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan.

Xaliimo Yarey, ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho ku dhacda habka Biometric-ga, oo ah nooca ku xusan sharciga doorashooyinka, uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaneysa July 2020, kuna eg August 2021, halka nooca labaad ee doorasho oo ah hab ka duwan kan hore ay u baahnaanayaan muddo 9 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg March 2021.

Labada nooc ee la soo jeediyay ayaa sida muuqato waxa uu xilligooda ka dambeeyaa muddo xileedka baarlamaanka iyo xukumadda hadda jirta. Cabdiraxmaan Cabdishakur, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ugu baaqayguddiga doorashada inay is casilaan.S

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay matalaadda gobolka Banaadir
Qoraalka sawirka,Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay matalaadda gobolka Banaadir

“In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yiri Cabdiraxmaan cabdishakuur.

Sidoo kale, maamullada Puntland iyo Jubbaland, ayaa ka soo horjeystay xeerkii mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo uu ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah.

“Muqdisho waa Caasimadda Qaranka, waxay mudan tahay inay hesho maqaamka caasimadnimo, waxay mudan tahay in ay matelaad aqalka sare ku yeelato, waxay mudan tahay inay yeelato golle deegaan oo wax soo doortado, waxay mudan tahay in aanan maayar loo soo magacaabin. Caasimadda waa in ay yeelataa waxa ay u qalanto,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale sheegay “in aanay jirin cid ka soo horjeedo maqaamka caasimadda, balse waxa la isku hayo in ay tahay in arrinta loo maro waddada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan.”

Inkastoo maamullada qaar ay su’aal gelinayaan sax ahaanshaha tirada kuraasta ee gobolka Banaadir loogu kordhiyay aqalka sare oo ah 13-kursi, ayaa haddana khubarada dhanka sharciga waxa ay ku doodayaan in maqaamka uu marka hore ka horeeyo mataaladda.

“Qodobka 9aad ee dastuurka waxaa uu dhigayaa in maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya go’aan looga gaari doono dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marka maqaamka oo go’aan laga gaaro ayaa waxay horseedi lahayd in la isla mele dhigo matalaadda uu yeelanayo gobolka Banaadir ama caasimadda”, sidaasi waxaa yiri Abukaate Zakariye Yuusuf, oo sharci yaqaan ah.

Haddaba iyadoo aan la shaacin qodobbada looga hadli doono shirka ay maamul goboleedyada ku ballameen maalinta Khamiista ah, ayaa haddana loo badinayaa in ay diiradda ku saari doonaan, arimihii muranka dhaliyay ee doorashooyinka.

Shirkan ayay maamulgoboleedyada uga tashanayaan, sidii shir deg deg ah ay isugu imaan lahaayeen dowladda federaalka iyo dolwladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan, sida ku xusan warmurtiyeedka.