Maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay magacyada Musharixiinta Aqalka Sare – AKHRI

Maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow ku dhowaaqay musharixiinta Aqalka Sare kuwaasoo u tartami doona sidddeed kursi oo uu maamulka Hirshabeelle Aqalka Sare.Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhowaaqay 21 Musharax oo 3 kamid ah ay yihiin dumar kuwaasoo u tartami doona Aqalka Sare. Maamul goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya ayaa hore u qabtay doorashooyinka Aqalka Sare.

Musharixiintan ayaa waxa ay hortagi doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle maalinta berri ah 5ta Bisha November iyagoo qudbado u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka kana hadli doona waxyaabaha ay qaban doonaan. Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.

Aqriso Magacyada Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow(Muusesuudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.