
Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose aya ku soo warramaya in tiro Madaafiic ah ay halkaas isku weedaarsadeen xalay illaa saaka Dagaalamayaasha Al Shabaab iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Ilo wareedyo ku sugan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hosoe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in degmadaasi ay muddooyinkii daris ay la noqotay Madaafiic ay isku weedaarsadaan Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa marka lagu soo weeraro Madaafiicda waxaa iyaguna ay Duqeymo ku garaacaan Tuulooyinka hoostaga degamdaasi Qoryooleey.
Taliyaha qeybta Booliska ee degmada Qoryooleey oo Shabelle la hadlaya ayaa sheegay in illaa 3 qof ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasi.
Waxaana Taliyuhu Intaas ku daray in ay wadaan Howlgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay Madaafiicdaasi.