Madasha Wada-tashiga Qaran oo todobaadkan ku kulmaya Muqdisho uguna baaqay Puntland iyo Galmudug inay deg-deg uga wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa dagaalada soo noq-noqday

Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa ugu baaqday dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug inay deg-deg uga wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa dagaalada soo noq-noqday ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

Xiriir khadka telefonka ay ku yeesheen dhammaan madaxda Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa waxay ku muujiyeen walaacooda ku saabsan qatarta ka imaan karta colaadda ka taagan Gaalkacyo oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaaneysa dadaalka dib u heshiisiinta iyo guud ahaan geeddi socodka doorashooyinka 2016.

“Ma aqbali karno in si micno darro ah loo daadiyo dhiigga shacabka, waxaana colaadda ka socota Gaalkacyo ay wax u dhimeysa mas’uuliyadda aan qaranka u hayno oo ah inaan ka shaqeyno horumarkooda iyo bedqabkooda. Sidaa darteed waa in deg-deg maamullada ay colaaddan khuseyso ay la yimaadaan xal lagu soo afjarayo dagaalka socda’’, ayay si wadajir ah u yiraahdeen madaxda Madasha.

Madasha ayaa sidoo kale xustay in shirka uga furmaya magaalada Muqdisho maalinta Talaadada oo ku beegan 10-ka October, ajandaha ay ka hadli doonaan uu ka mid noqon doono dagaalka Gaalkacyo.

Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa tacsi u diraysa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku waxyeeloobay dagaalka Gaalkacyo, iyadoo sidoo kalena ubu baaqdey madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo colaadda, kana waantoobaan falalka iyo hadalada xanafta leh ee keeni kara in colaadda halkaa ka taagan ay sii fogaato.