
Xubno ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug iyo Madaxda ka socota Dawladda turkiga ayaa maalintii shalay ahayed kulan ku yeesdhay Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta ka kala tirsan Maamul-goboleedka Galmudug iyo kuwa Dawladda Turkiga ayaa kulankooda kaga wada hadlay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya labada Wadan, waxayna Masuuliyiinta Galmudug ka codsadeen kuwa Turkiga inay ka qeybqaataan Mashaariicda lagu horumarinayo Deegaanada Maamulkaasi.
Kulankaasi oo ugu dambeyntii ku soo dhammaaday jawi is afgarad iyo is faham labada dhinacba ah.