Madaxda Carabta oo Trump uga digay inuu safaarada US u raro Qudus

Madaxda Carabta oo Trump uga digay inuu safaarada US u raro Qudus

Cabdul Fatax Sisi (Bidix) iyo boqor Salman-ka Sucudiga (Dhexda) ayaa walaac ka muujiyay arrinta QudusLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionCabdul Fatax Sisi (Bidix) iyo boqor Salman-ka Sucudiga (Dhexda) ayaa walaac ka muujiyay arrinta Qudus

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump uu ka hadli doono Arbacada go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Tiro hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.