Madaxwaynaha dalka Nigeria oo billaabay ol’ole qaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo dabeecadaha dadka

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa billaabay ol’ole qaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo dabeecadaha dadka.

Wuxuu sheegay in dhaqamo badan oo wanaagsanaa lagu badalay khayaano, dulqaad la’aan, wahsi, musuqmaasuq aan xakamaysnayn iyo isla xisaabtan la’aan baahsan.

Buhari ayaa sheegay in arrimahaas dib u socodnimada ah ay qayb ka yihiin dhaqaalaha Nigeria ee aadka u liicaya.

Ol’olahaas waxaa loogu magac daray isbadalku aniga ayuu iga bilawdaa.

Buhari markii koobaad ee uu madaxwayne noqday 1980-tameeyadii wuxuu bilaabay wax uu ugu magac daray dagaalka ka dhanka ah anshax darrada