
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadlay xaalada deg dega ah ee (state emergency) ee uu rayisalwasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn kusoo rogay wadanka isagoo sheegay in ay sax tahay talaabada uu qaaday Rayisalwasaaruhu ee ay ansixiyeen golaha wasiiradu islamarkaana ay tahay wadada kali ah ee Cadowgeena isusoo gaashaan buureystay inuu dumiyo mashruuca wayn ee Abay dhacana hantida Shacabka iyo dhibaataynta bulshada dalka naf iyo maalba lagaga guulaysan karo.
Madaxwayne CMC ayaana intaa kudaray in xaalda deg dega ah ee lasoo rogay ay daahday balse wali ay Tahay xili ku haboon sababtoo ah hadii xili hore lasoo rogi lahaa dadka qaar ayaan ku qanceen oo waxay Goldoolo u noqon lahayd cadowga hadase waa xili sax ku ah waayo shacabka ayay ka timid oo yidhi Dawladu talaabo haka qaado ururada nabadiidka ah ee ONAG,iyo Ginboot 7 kuwaas oo burburiyay Hantidaanadii naf iyo maalba rabana inay wadanka dib ugusoo celiyaan nidaamyadii cabudhiska iyo Cadaadiska ku dhisnaa ee Dhergiga. Sidaadarteed ayuuna madaxwaynuhu ku amaanay go aanka Geesinimada leh ee uu qaatay rayisalwasaaruhu xiligii ku haboonayd.
Dhanka kale madaxwaynaha ayaa aad u amaanay wacdarihii banaan baxyada ee dhamaan qaranjoogta Iyo qurbajoogta DDSI ee ku kala nool dacalada dunida sida qurbajoogta waqooyiga America, belgumka, wadamada iskaandhaniifiyaanka,Germany, Carabaha, Africa, iyo wixii lamid ah oo ay ku muujiyeen Itoobiyaanimadooda islamarkaana ay kaga soo horjeedeen ururada nabadiidka ah ee ONAG, Ginboot 7, Ubbo, Al qushaash, iyo wixii la halmaala. Madaxwaynaha ayaana xusay in talaabada qurbajoogta deegaanku qaaday ay shacabwaynaha dalka dareensiisay wadaniyada iyo nabada jacaylka dadka somalida ah islamarkaana ay maanta ka sheeganyihiin guud ahaan dalka iyo dunidaba iyadoo xukuumada federalka ah ee dalku ku faanayso. Wuxuuna talaabadooda ku tilmaamay mid geesinimada, deeqsinimada, indheergaradnimada somaalida itoobiya xaqiijisay.
Ugu danbayna madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in awal hore la aaminsanaa in cadowga itoobiya uu bari jiro balse maanta dadka bariga dagan ee somalida itoobiya uu yahay shacab ka hortagaya wax alaale iyo wixii dhibaato ku ah shucuubaha iyo qoomiyadaha dalku ka koobanyahay. Wuxuuna intaa ku daray in go aanka dadka somaalida ah iyo xukuumada DDSI xaqiiqnimadiisa uu yahay kan dhidibada u aasay oo cidkastoo shaki ku jiray u cadeeyay go aanka uu rayisalwasaarha dalku ku dhawaaqay taasoo ka turjumaysa xaalada uu wadanku ku suganyahay, Isagoo sheegay in maanta cadaatay in qurbajoogta deegaanku badbaadisay itoobiyada cusub iyo tastuurkaba.
Iskusoo wada duuboo madaxwaynaha ayaa amaanay masuuliyiinta, gudiyada, iyo xubnaha qurbajoogta ee ku nool caalamka ee taariikhda baal dahab ah kagalay isagoo sheegay inay halkaa ku kala baxeen cida sida dhabta ah u taageersan nidaamka federalismka ah iyo cida uusan ka dhaadhacsanayn federalismka ee bilaa mab’da ah wuxuuna si gooni ah u amaanay qurbajoogta DDSI ee Australia gaar ahaan gudiyadii qabanqaabada ee uu kamid yahay mudane cabdiqani faarax yuusuf iyo dhaqmaan cid alaale iyo cidii ka qaybqaadatay banaanbaxyadaas.
cakaaranews.com