Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Furay Shirwaynihii 12aad Heer Qaran Ee saktarka horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyaynta – VIDEO

Waxaa maanta magaalada jigjiga  gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI si Rasmiya uga furmay shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyeynta ee 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul magaalo ee dalkeena itoobiya.

Waxaana furitaankii shirkan ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw Mekonnen, masuuliyiin ka socoday 9ka dawlad deegaan, 2da ismaamul magaalo iyo masuuliyiin sare oo ka socotay JDFI.

Waxaana ugu horayntii si rasmiya  u furay shirkan  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo marti sharafta  ka soo qaybgashay shirkan isaga oo sheegay madaxwaynahu in uu ku faraxsan yahay martigalinta shirwaynahan uu martigaliyay DDSI gaar ahaan caasimada DDSI. madaxwaynaha DDSI ayaa si kooban  uga warbixiyay dadaalada xukuumada DDSI ugu jirto horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta iyo waliba in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay hirgalinta qorshe hagaha magaalooyinka DDS,  kor u qaadida bilicda magaalooyinka, abuurida ilaha shaqada dhalinyarada magaalooyinka, kobcinta iskaashatooyinka magaalooyinka, biyo galinta,  jidadka magaalooyinka,  laydh galinta  iyo isgaadhsiinta  magaalooyinka. Wuxuuna tilaamay madaxwaynaha DDSI in ay hirgalinta qorshayaashaasi  kaalin wayn ka qaadatay taageerada ay laga helay  wasaaradaha heer faderaal.  Madaxwaynaah ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI sii xoojinayso dadaalada kor loogu qaadayo horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii shirkan wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr ambachaw mekonnen isaga sheegay in uu ku faraxsan yahay sida meeqaamka sare ah ee loogu soo dhaweeyay caasimada DDSI. wasiirka ayaa xukuumada DDSI ku amaanay dadaalka ay kaga midho dhalisay  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta gaar ahaan  bilicda iyo balaadhinta caasimada DDSI ee jigjiga oo wakhti kooban ku soo gaadhay ayuu yidhi wasiirka magaalooyinka waawayn ee dalka, wasiirka ayaa sheegay in ay mudan tahay in deegaanada kale ee dalku  ka tusaale qaataan  nidaamka horumarinta magaalooyinka DDSI. mar uu ka hadlayay wasiirku ahmiyada shirwaynahan ayaa waxa uu sheegay in ujeedada sanadba magaalo loogu qabtaa tahay sidii ay u kala khibrad qaadan lahaayeen deegaanada dalku isaga oo sheegay in shirkan diirada lagu saarayo abuurida ilaha shaqada, kor uqaadida bilicda magaalooyinka, cagaarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

 

Shirkan oo lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedku saabsan horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta ayaa waxaa booqasho lagu tagay mashaariicaha dhismaha guryaha laga hirgalinayo xaafada dulqabow ee magaalada jigjiga  kuwaasi oo dhismahooda hadda la soo gabagabeeyay DDSI. shirkan ayaa maalmaha soo socda ka sii socondoona caasimada DDSI ee jigjiga.