Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq oo wacad ku maray in aftidu beri ka qabsomi doonto Kurdistan

Madaxwaynaha dowladda goboleedka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq Masoud Barzani ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono aftida lagu wado in barito ay halkaasi ka dhacdo.

Mr Barzani ayaa sheegay in iyada oo ay jirto in ay sii kordhayaan baaqyada ah in la joojiyo aftida barito in hadana qorshaha aftida uu sii socon doono.

Madaxwaynaha dowlada goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq Masoud Barzani oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xorriyad oo kali ah ay ammaankooda ku heli karan dadka Kurdiyiinta.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in wadahadalo uu la yeelan doono dowlada Ciraaq si natiijada aftida loo dhaqangaliyo.

Waxaa sii kordhayay cadaadis iyo baaqyada ku aadan in aftida Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq dib loo dhigo.

Dowlada Iran oo si wayn uga soo horjeeda aftidan Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii gali jiray gobolka Kurdiyiinta.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda wuqooyiga Ciraaq.

Dowlada Turkiga ayaa dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida way ee ay uga soo horjeedaan aftida barito lagu wado in ay ka dhacdo wuqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Aftida lagu wado in barito ay ka dhacdo gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq ayaa waxa sidoo kale ku kala qaybsamay dhinacyada Kurdiyiinta ,iyada oo xisbiyada PUK iyo Goran ay ku baaqayaan in dib loo dhigo.