Madaxwayne Farmaajo oo Boqol Qof oo Danyar ah indhaha ugu Fiiqay Mushahaarkiisa Iyo Farxada (Video)

Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa Mushaharkiisa ku bixiyey mashruuc indhaha loogu jeexayo 100 qof oo Danyar ah.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto.sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo.

Waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah, balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto” Ayuu yidhi  Cabdiqaadir Macallim Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Ugu dambayntiina waxaa halkaasi ka hadlay dadka Danyarta ah ee Mashruucan Khayriga ah ka Faa’iidaystay.