Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Qorshihii Biyo Galinta MM Jigjiga

Waxaa ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayay hirgalinta mashruuca biyo galinta maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan halka uu marayo qorshe dhawaan la kala qaatay oo ahaa hirgalinta biyo galinta maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba Kulankan oo uu hogaamiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga , maamulada xaafadaha mm jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha mm jigjiga. Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulanku tahay sidii loo eegilahaa halka uu marayo qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan qorshihii dhawaan kulankii kan ka horeeyay lagu kala qaatay oo ahaa in muddo kooban lagu soo gabagabeeyo biyo galinta caasiamda deegaanka ee jigjiga

Wuxuuna Madaxwaynuhu intaa kudaray in hirgalinta qorshahani suurtagalinayso in dhamaan xaafadaha maamulka magaalada jigjiga guri ka guri loo galiyo qasabadaha biyaha taasi oo xalwaara u noqonaysa biyo yaraanta magaalada jigjiga. Isagoo madaxwaynuhu xusay in sikasta oo biyo lagu gaadhsiin karo magaalada jigjiga lawada gaadhsiinayo biyaha iyadoo loo marayo biyo galiniyo biyo dhaamin balse aysan bulshadu marnaba biyo la aan noqonaynin inta ay ka imanayaan biyogalinta ka imanaya faafan oo xal waaara u noqon doona biyo yaraanta magaalada jigjiga

Dhankooda masuuliyiintii loo xilsaaray fulinta qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga ayaa sheegay in ay meelfiican u marayso fulinta qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga islamarkaana dhawaan la soo gabagabayndoono in guri kasta oo ku yaala xaafadaha magaalada jigjiga la galiyo qasabadaha biyaha. Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha magaalada jigjiga ayaa siwayn u soo dhaweeyay qorshahan biyo galinta maamulka magaalada jigjiga waxayna siwayn ugu mahad naqeen hogaaminta xukuumada DDSI ee suurtagalisay in la fuliyo qorshaha biyo galinta maamulka magaalada jigjiga