Madaxweynaha “Dhismaha Federaalka waxaa ka haray Gobolada Waqooyi iyo Maqaamka Muqdisho – VIDEO

Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle aanu aheyn kii ugu dambeeyay ee la dhiso, isagoo xusay inay dhiman yihiin gobolo kale.

Isagoo shalay ka hadlayay Munaasabadii caleema saarka ee Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in dhameystirka Federaaleynta ay ka dhiman yihiin maamulo muhiim ah, sida Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo Maqaamka ay yeelan doono magaalada Muqdisho.

“Saaxibada iga horeeyay waxay sheegeen in dowlad goboleedkii ugu dambeeyay ee la dhiso waaye Hirshabeelle, waxaa leeyahay maya ma ahan, wali waxbaa noo dhiman, Gobolada waqooyi ayaa noo dhiman, magaalada Muqdisho oo maqaamkeeda oo cadeyna noo dhiman, maanta meesha la joogo waa meel lafu farxo oo lagu faano waaye”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in howsha maqaam gaar loogu sameynayo magaalada Muqdisho ay socoto, isla markaana ay noqoto caasimad la wada leeyahay, isla markaana maamul goboleedyada kale ay hiigsanayaan sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya oo qaadatay nidaam federaal ah ayaa ku guuleystay dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo la dhisay maamul illaa shan maamul goboleed.