Madaxweynaha Galmudug Guuleed oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo – VIDEO

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerar ay ciidamo hubeysan iyo duqeynba ku qaadeen saldhig ay ciidamada Galmudug ku lahaayeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey 14 askari oo kamid ahaa ciidamada Galmudug sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa tacsi u direy qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen ciidamadii lagu diley deegaanka Jeexdin.

“Waxaan ka xumahay in Puntland ay ku tilmaanto Alshabaab ciidamada Galmudug,balse Galmudug waa dowlad goboleed aan shaki ku jirin,”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed oo la hadlayay saxaafada markii uu ka degey garoonka diyaaradaha Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku tilmaamay maamulka Puntland inuusan diyaar u ahayn deganaansho iyo nabadgalyada deegaannada labada maamul ay wada degaan ee gobolka Mudug.

“In Puntland ay tiraahdo Galmudug waa Alshabaab waa arrin muujinaysa in Puntland aysan diyaar u ahayn nabadda iyo wada noolaanshiyaha gobolka Mudug oo labada maamul ay ku wada sugan yihiin” ayuu yiri madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Weerar ay ka qeybqaateen diyaarado la tuhunsan yahay inay lahaayeen ciidamo Maraykan ah iyo weliba ciidamada PSta loo yaqaan ee maamulka Puntland duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintey 13 askari halka ay waxyeelo soo gaartay gaadiidka dagaalka.

Sarkaal u hadlay maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu qaaday saldhigyo ay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ku sugnaayeen,