
Waxaa goor-dhow xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar lagu soo gaba-gabeeyay Munaasabad lagu Caleemmo-saarayay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Hir-sahabeelle, Cali Cadullaahi Cosoble, taas oo ay Qa qayb-galeen Mas’uuliyiin kale duwan.
Maalmo kaddib oo uu Madaxweyne yahay, Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta oo Sabti ah xaflad lagu caleemo-saarayo waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur-galbeed, xubno ka socday Jubbaland, kuwo ka socday golayaasha Dowladda Federaalka ah, Wakiilka QM ee Somalia, Safiirka Shiinaha ee Somalia, Xubno ka socday Ururka IGAD, kuw ka socday Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Mas’uuliyiin kale; inkastoo Puntland ay ka maqneyd munaasabaddan.
Sidoo kale, Intii ay socotay Xafladda Caleemo-saarka ayaa xubnihii hadalada ka jeediyay waxay ku bogaadiyeen madaxweynaha la doortay ee maamulka Hir-shabeelle iyo guud ahaan xubnaha kale ee maamulka inay si wadajir ah u wada-shaqeeyaan, iyagoo u rajeeyay maamulka guul iyo horumar weyn oo uu u horseedo gobollada Hiiaan iyo Shabeellada Dhexe.
Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle, Cali C/llaahi Cosoble oo isagana hadlay ayaa u Mahad-celiyay mas’uuliyiinta kale duwan ee Munaasabadaas goob-jooga ka ahaa, Isagoo sheegay in maamulkiisa uu ku dadaali doono horumarinta maamul-wanaaga, dib u dhiska iyo xoojinta Dowladnimada, isagoo dhanka kale ku baaqay in lala shaqeeyo maamulka uu madaxda ka yahay.
Ugu dambey, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh – ayaa u Hambalyeeyay maamulka Hir-shabeelle, isagoo wax lagu farxo uu ku tilmaamay dhismaha maamulkan oo uu xusay in muddo dadaalkiisa lasoo waday Dadkiisuna ay u soo sabreen, Wuxuuna ku Taliyay in maamulkaan cusub uu ka shaqeeyo horumarinta labada gobol, waxaana madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle uu ku ammaanay sida deg-degga ah uu ku tagay Beledweyne iyo dadaallada uu wado.
Madaxweyne Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay in Somalia ay horumarro ku talaabsatay, muddo kaddibna ay deegaannada kala duwan ee Dalka ay Dooranayaan cida hoggaanka ay u dhiibanayaan, waxaana hogaanka cusub ee maamulka Hir-shabeelle uu ku booriyay inay kasoo dhalaalaan xilka lagu aaminay oo bulshada Dooratay, si Shacabkooda Farxad-galin kartana ay ugu shaqeeyaan.