
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia.
Waxaa Salaan sharaf ay ka wada qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaana loo gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde.
Madaxweyayaasha IGAD ayaa ku soo qulqulaya Muqdisho waxaana la sugayaa madaxwenayaal kale.
La soco wixii soo kordha insha Allaah
Xafiiska Shabak