
Guddiga nobeelka ee dalka Norway ayaa maanta ku dhawaaqay in billadda nobel ee nabadda lagu abaal-marinayo madaxweynaha dalka Kolombia Juan Manuel Santos.
Guddiga waxay ku micneeyeen abaal-marinta madaxweynaha Kolombia ciseyn lagu ciseynayo madaxweyne Santos isku-deygiisa la xiriira soo dhameynta dagaalka sokeeye ee qaraaar ee muddo ka badan 50 sanno ka taagnaa dalka Kolombia.
Dhawaan ayaa afti laga qaadey shacabweynaha dalka Kolombia oo la xiriirta in ay aqbalaan iyo in kale heshiiska nabadeed oo xukumadda madaxweyne Santos la gashay jamhadda hubeysen ee FARS. Laakiin aftida waxaa guusha ku raacday garabyada ka soo horjeedey in heshiis FARS lala galay la meel-mariyo.
Madaxweyne Sontas keligiis ayaa la shaaciyey in la siinayo billadda Nobel ee nabadda inkastoo uu jiro garabka jamhadda FARS oo ayaguna gacan ku lahaayeen heshiis nabaddeed ee dowladda Kolombia iyo jamhaddu dhawaan kalo saxiideen.
Weriyaha idaacadda Ekot ugu faallooda arrimaha dibadda Agneta Ramberg oo ka faallooneysey sababta keligiis billaddan loo siiyey madaxweyne Santos ayaa ku micneysey in guddiga nobeelka aadmoodid in ay ka dhowrsanayaan in la dhaleeceeyo madaame taariikhada Jamhadda FARS ay tahay mid madow oo aan la difaaci karin.
Sannadka ayaa la soo sharraxey tiradii ugu badnayd ee shakhsiyaad iyo ururro tira-doodu gaarsii-san tahay, 376. Halka ay hadal-haynta cidda ku guuleey-san doonta biladdan mareeyso herkii ugu sarreeyay.