Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo,kana tagey Shirka Muqdisho – SAWIRO

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa maanta ka duulay Magaalada Muqdisho wuxuuna gaaray magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ee Somalia ayaa shirka Muqdisho isga baxay kadib markii uu murun iyo Buuq ku soo Dhamaaday Qaar kamid ah madaxweynayaasha Maamulada dalkana ay ka baxeen.

Shariif Xasan Ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo halkaasi oo si weeyn loogu soo dhoweeyay Waxaana uu kulan la qaatay masuuliyiinta iyo Qeeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Shirka Magaalada Muqdisho Ayaan ilaa iyo iminka wax go’aan ah ka soo bixin waxaana magaalada Muqdisho ka tagay Qaar kamid ah madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10