Madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan oo dib ugu laabtay Baydhabo (Sawiro)

Madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan oo dib ugu laabtay Baydhabo (Sawiro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo isagoo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaalada Wanla-Weyn ee gobolka Sh/hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan koonfur galbeed oo ugu horeeyo Kusimaha Madaxweynaha koonfur galbeed ahna wasiirka Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale.

Shariifka ayaa intaasi ka dib ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed,isaga oo kulan la qaatey Gollaha wasiirada maamulka iyo Xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intaba.

Ugu horeyn Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka tacsiyadeeyey shacabkii ku dhintey qaraxii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ,isaga oo Alle uga baryay in uu u naxariisto.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii ku dhintey qaraxii ka dhacay Wanla-weyn waxaan eebe uga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan,

Gobolka Sh/hoose oo ka mid ah gobolada uu hoos tago maamulka Koofurgalbeed ayaa ammaan darro ka jirtaa waxaana toddobaadkan oo kaliya lagu diley qaraxyo iyo weeraro kale dad tiradoodu ay ka badan tahay labaatan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.