Madaxweynaha Lubnaan: Sucuudigu ha caddeeyo sababta Xariiri u soo noqon waayey

Madaxweynaha Lubnaan: Sucuudigu ha caddeeyo sababta Xariiri u soo noqon waayey

Sawirka Al-XariiriLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionSawirka Al-Xariiri

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ugu baaqay Sucuudiga in uu sharaxo sababta Sacad Al-Xariri ugu noqon waayey dalkiisii tan iyo markii uu iska casilay xilkii Ra’isal Wasaarenimo ee uu ka sheegay magaalada Riyaad.

Cawn ayaa sheegay in wax kasta oo uu Al-Xariiri yidhi ama aanu sheegin ba aanay ka turjumayn xaqiiqada maadaama uu duruufo shaki leh kala kulmay Sucuudiga.

Ururka mitidka ah ee reer Lubnan ee Xisbullah iyo Iran oo taageerta ayaa labaduba sheegay in Sucuudigu Al-Xariiri xidhay ka dib markii uu ku qasbay in uu xilka ka dego.

Dhanka kalena askari Lubnaani ah ayaa ku dhintay dhawr kalena way ku dhaawacmeen hawl gal ciidanku qaadeen oo ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan muwaadin Sucuudi ah oo Khamiistii lagu af-duubay gobolka bariga ku yaal ee Bacalbak.

Isla Khamiistii ayaa Sucuudigu u sheegay muwaadiniintiisa jooga dalkaas in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Lubnaan.