
Marka hore aabahey ayaa la oran jiray Farmaajo waa eray talyaani ah oo waxaa laga wadaa ( Bur- cad )
naaneystan waxay ka timid sheeko qosol leh oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xeray koox dhallinyara gumeysi diid ah oo uu aabahey ku jiray Cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd
xilligaas aabahey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba
dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda markaas ayuu kaligii cuni jiray kadib ayey u bixiyeen Farmaajo maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystan anigana sidaas ayey iigu baxday ayuu yiri Madaxweynaha farmaajo.
lifaaqan hoose ka akhriso Wareysigan isagoo luqada Carabigs ah ku qoran Waxaa Soo tarjumay jananka TELSom oo makah almukaramah jooga.