Madaxweynaha Puntland Gaas Oo La Kulmay Amiir Suldaan Binu Nasar

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo guddashada wajibaadka Xajka u jooga dalka Sucuudiga ayaa maagaalada Jidda  kulan kula yeeshay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi oo ka tirsan qoyska xukuma dalkaasi

Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulankaasi looga wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha Puntland, iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, adkaynta xidhiidhka Puntland iyo Sacuudiga iyo sidii dalka sucuudigu maalgashi caalami ah uga samayn lahaayeen  dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne  Gaas ayaa uga mahad naqay  Amiirka iyo guud ahaan masuuliyinta kala duwan ee uu kulamada kala duwan laqaatay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen una qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu Madaxweynuhu amiirka usoo jeediyey inay tahay muhiim in laga wadda hadlo sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeya Puntland iyo dalkaasi Sacuudiga, sidoo kalena loosii wanaajin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadda dhinac.

Dhinaca siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in maanta Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leedahay, isla markaana ay kasoo kabatay dhibaatooyin badan oo soo gaaray muddo dheer oo haatan laga joogo, dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dhammaan dawladdaha xunaha ka ah DFS ayaa diyaar u ah kana middaysan sidii loo midayn lahaa ummaadda Soomaaliyeed, looguna horseedi lahaa nabad iyo horumar.

wuxuu xaqiijiyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay soo dhoweynayaan maalgashiga dalalka ay saaxibadda dhaw la tahay iyo cid kasta oo kale oo danaynaysa inay maalgashtaan Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dalka Sucuudiga iyo Puntland ay leeyihiin xidhiidh taarikhi ah oo salka kuhaya maalgashiga, ganacsiga iyo wax wadda-qabsiga.

Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisa dalkaasi Sucuudiga, waxaana uu xaqiijiyey in xidhiidha Puntland iyo dalka Sucuudi Arabia ahaa mid soo jireena oo xaqiiq ku salaysan, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in Dalka Sacuudigu danaynayo maalgashiga dhulka dihin ee taarikhda badani ku duugan tahay ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa taageeray xulufada Sucuudiga uu hoggaamiyo ee cunoqabatayna saaray dowladda Qadar, isagoo ku booriyay dowladda Federaalka inay ka laabato go’aankii ay dhex-dhexaadka kaga noqotay khilaafka iyo shaqaaqada wadamada gacanka Carbeed, iyadoo la eegayo maslaxada ummada Soomaaliyeed iyo xiriirka soo jireenk ah ee Soomaaliya la leedahay wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka.