
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September, 2016 kormeer kadis ku tegey qaybo ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda Puntland eek u yaal caasimadda Puntland ee Garowe.
Xarumihii uu kormeeray Madaxweynuhu waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasaaradda Aminga iyo DDR, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti dhawrka guud, Hay’adda Qandaraasyada Puntland iyo xarunta guriga Gobolka Nugaal oo uu ka socdey dhisme iyo dib u dayactir ballaaran.
Madaxweynaha wuxuu la kulmay qaar ka mid ah masuuliyiintii iyo shaqaalihii xarumahaasi oo shaqooyinkii loo igmaday gudanaya isla markaana Madaxweynuhu wuxuu masuul walba kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa, isagoona si hoose uga xog-waraystay xaaladda guud ee hay’addaasi.
Kormeerka Madaxweynaha oo kadis ahaa ayaa salka ku hayay u kuur galka habsami u socodka shaqooyinka ka socda wasaaradaha dowladda iyo qaabka ay bulshada ugu adeegayaan, waxaa kaloo uu kormeerkan la la xiriirey sidii uu Madaxweynuhu qiimayn ugu samayn lahaa qaabka ay bulshada ugu adeegaan shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo sidii uu wax uga ogaan lahaa horumarrada ay gaareen xarumahaasi iyo caqabadaha hor taagan.
Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhammaan masuuliyiintii uu kula kulmay xarumahaasi in ay dar-dar geliyaan baahinta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo horumarinta shaqooyinka baaxadda leh ee loo igmaday.