
Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Qadar ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira danaha Puntland iyo sidii ay Dawladda Qadar uga qayb qaadan lahayd mashruuca dayac tirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii kala duwanaa ee argagixisadu ka geysteen magaalada Gaalkacayo, qaraxyadaasi oo sidoo kale dhibaato xooggan gaarsiiyay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas.
Hassan Bin Hamza Asad Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qaddar ay soo dhoweynayso in ay taageerto gobolada Puntland , sidoo kale wuxuu sheegay in Dawladda Qadar ay ka xuntahay dhibaatadii ururka al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay, ku simaha Safiirka Qadar ee Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in Dawladda Qadar ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Gaalkacayo.
faafin Horseed Media