Madaxweynaha Puntland oo wasiiro cusub magacaabey – AKHRISO

Madaxweynaha Puntland  ayaa maanta ku dhawaaqey gole wasiiro oo cusub oo u badan Wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku-xigeeno. Madaxweynaha ayaa buuxiyey xilka wasiirka Warfaafinta oo muddo 9 bilood ah aan wasiir lahayn, sidoo kale qaar kamid ah Wasiiru dowlayasha ayuu isku badley halka uu keeney kuwo cusub oo aan horey u jirin, Wasaarad aan horey u jirin ayuu sameeyey Madaxweynuhu waxaana loogu magacdarey Dib-udhiska iyo Horumarinta Puntland. Tirada Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee abid soo marta Puntland.

Hoos ka akhri Wareegtada Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 June 2016 Xafiiskiisa kasoo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr. 55 June 05, 2017.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dawladda Puntland.
Makuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu la tashtay: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
  2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
  3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
  4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
  6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  7. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
  8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Xeerkani Wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.