Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay dagaallada Al-shabaab lagula jiro iyo Qoxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo Xusay in ay ka saareen 75% Dhulkii ay Al-shabaab ka talin jiray, haatana ay qaybta kale kula dagaalamayaan.

“Al-shabaab ahaatan waxay ka talisaa dhul gaaraya 10%, Haatanna Waxaa naga go’an in aan ka saarno deegaannada ay haystaan,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri wareysigiisa. Sidoo kale, Wuxuu Xusay in Sannadihii u Dambeeyay ay Al-shabaab billowday Weerarro Cusub oo u badan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo kale oo gaadmo ah, taasoo uu xusay inay muujinayso inay ku guul-darreysteen weerarradii tooska ahaa.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd; Waa maxay waxaad u baahan tihiin si aad u cirib-tartaan Al-shabaab, wuxuuna ku jawaabay inay haatan guulo waaweyn gaareen, balse ay caalamka uga baaqayaan inay ka caawiso Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM si ay u sii wadaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab; Waxaa kaloo Xasan Sheekh la weydiiyay su’aal ahayd; Ma ku raacsan tahay Kenya Go’aankeeda ah in ay Xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo in Qoxootiga Soomaaliyeed ku Nool Somalia Dib loogu celiyo? Wuxuuna kaga jawaabay.

“Waan uga mahad-celinaynaa xukuumadda iyo shacabka Kenya sidii ay u soo dhaweeyeen Soomaalidii ka cararay Colaadihii Sokeeye ee dalka ka dhacay, ayna ka Caawiyeen wixii ay u baahnaayeen oo dhan waana og-nahay culeyska ay keeni karto marti-gelinta qoxootigaas faraha badan.

” Isagoo intaas ku daray. “Inkastoo weli ay Somalia weli Caqabado ka jiraan, Haddana waqtigaan waxaa loo baahan yahay in Qoxootigu Dhadhaab ku nool ay Dalkooda kusoo laabtaan, ayna ka Qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda. Balse waxaan u baahannahay in dib u celinta qoxootiga ay noqoto mid si tartiib-tartiib ah u hir-gasho.

Waxaana Kenya mar kale uga mahad-celinayaa gacantii ay dadka Soomaaliyeed siiyeen muddadii ay qoxootiga ku ahaayeen dalkooda, taasina waxay keenaysaa in Kenya ay baal-dahab ah ka gasaho taariikhda Somalia.

” Ugu dambeyn, Madaxweyne Xaan oo ka mid ah Murashaxiinta doonaya in ay u Tartamaan Sannadkan Xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Dowladdiisu intii ay jirtay ay horumarro fara badan ku tallaabsatay, balse ma sheegin waxyaabihii aan u qabsoomin.