Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo kumanaan ruux salaadii ciida kula dukaday masaajidka Isbaheysiga – SAWIRO

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada Somalia Xasan Sheekh Max’uud iyo masuuliyiin kale ayaa boqolaal ka mid ah dadweynaha Muqdisho waxay salaadda ciidul Adxaa kula dukadeen Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale tukashada salaadda ciida ka soo qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, xubno musharaxiin madaxweyne ah oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, saraakiil, waxgarad iyo xubno kale.

Xasan Sheekh oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha iyo xoojinta Qaranka.

Waxaa uu mar kale baaq uu u jeediyay dhalinyaro uu sheegay inay marin habaabiyeen Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray inay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekerka qaldan ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

“Dadka beryahan caadeystay inay ummadda rajo la’aan dhigaan waa iney ka waantoobaan, waxaa loo baahan yahay in qofkii aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin uu iska aamuso” ayuu yiri madaxweynha oo dhinaca kale shacabka ugu baaqay in kuwooda ILAAHAY wax siiyey ay gargaaraan kuwa masaakiinta ah munasabada ciida awgeed, iskuna naxariistaan.









Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia