
Madaxweynaha dalka Yemen, Abd Rabbu Mansour Hadi ayaa diiday qorshaha cusub ee qaramada midoobay diyaarisay ee xal u helida dagaalada dalkiisa ka socda, waxaanu madaxweynaha Yemen ku tilmaamay qorshahan qaramada Midoobay mid u hiilinaya kooxda Shiicada Iran taageerto ee Xuutiyiinta dalkaas.