Madaxweynahe Donald Trump oo ku tilmaamay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ‘nin aad xariif u ah’.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ‘nin aad xariif u ah’.

Isagoo la hadlayey Barnaamijka Face the Nation ee CBS, ayuu sheegay in Mr Kim uu awoodda qabsaday isagoo dhallinyar, uuna la macaamilay dad aad u qallafsan.

Wuxuu intaa ku daray in uusan ogsoonayn in ‘Kim uu maskax ahaan caafimaad qabo’.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa khaarajiyey adeerkiis, laba sano ka dib markii uu xukunka qabtay, waxaana la tuhunsan yahay inuu amray dilka walaalkiis ay isku aabbo ahaayeen.

“Dadku waxay leeyihiin: miyuu fiyow yahay? Ma garanayo…laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada.

“Isagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump.

Waraysiga Trump ayaa ku soo beegmay ayadoo lagu guul darraystay gantaalkii 2aad ee nooca ballistigga ah ee la isku dayo in la gano laba usbuuc gudahood. Gantaalka ayaa qarxay in yar ka dib markii la ganay.

Markii wax laga weydiiyey sababta ‘ay mar walba u qarxaan’ gantaalaha wuxuu madaxweyne Trump yiri “waxaan doorbidayaa in aanan ka hadlin. Talaabooyinka aan qaadayno oo dhan in aan sheegsheegno ma aha. Waxay la mid tahay cayaarta jar-ka-booddada. Ma doonayo in dadku ogaado waxa aan maskaxda ku hayo”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la rumaysan yahay inay sii waddo dadaalka ay ku sii yaraynayso xajmiga madaxyada hubka nukliyeerka oo ay ku rakibayso gantaalaha riddada dheer ee awooda inay gaaraan Maraykanka.

Xiisad ayaa marki dambe aad uga xoogaysatay gobolka, ayadoo labada Kuuriyaba ay sameeyeen dhoollatus milateri.

Maraykanku wuxuu gobolka u diray maraakiib dagaal, wuxuuna bilaabay inuu Kuuriyada Koofureed ku rakibo hanaanka lidka gantaalaha ee muranku ka taagan yahay.

Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Kuuriyada Waqooyi, KCNA, ayaa qormo ay faafisay lagu sheegay in Maraykanku uu ‘ka fiirsado cawaaqibka ba’an ee ka dhalan kara daandaansigooda milateri ee nacasimada ah’.

Kuuriyada waqooyi waxay bilihii dhawaa qaadday tijaabooyin gantaalo oo is dabajoog ah, waxayna iminka ku hanjabaysaa in ay samaynayso tijaabadii lixaad ee nukliyeer ah.