Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo gaaray magaalada Gaalkacyo

by A M | Friday, Nov 11, 2016 |

November 11 (Jowhar)— Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaasoo todobaadyadii la soo dhaafay colaado ka jireen, iyadoo socdaalka labada nin ay qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiis xabad joojin ah oo maalmo ka hor khadka taleefanka ku gaareen.

Sida ay sheegayaan wararka Labada Madaxweyne ayaa ku kala sugan labada dhinac ee ay ka kala taliyeen maamuladooda, waxaana ay kulamo la leeyihiin Mas’uuliyiinta labada maamul.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo safar dhinaca dhulka ah uga yimid Garowe ayaa sheegay in arrimaha ugu muuhimsan ee Gaalkacyo u yimaadeen ay tahay xalinta xiisada ka taagan magaalada oo todobaadyadii la soo dhaafay ku dagaalamayeen Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

C/wali gaas ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ku soo wajahan yihiin Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in kulan fool ka fool ah ay wada qaateen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulankaas ay goob joog ka noqonayaan wafdi ka socda Beesha Caalamka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada qaar.

Heshiis bishii hore ay ka soo shaqeysay Imaaraadka Carabta oo ay ku kulmeen Madaxda labada maamul ayaa dhaqan gal noqon waayay, sidoo kale waxaa jiray heshiis xabad joojin ay dowladda Itoobiya iyana sheegtay inay kala dhex dhigtay labada maamul, iyadoo heshiiskaas ahaa mid Itoobiya iskeed isaga dhawaaqday, Galmudug iyo Puntland midna ma xaqiijin, iyagoo iska fogeeyay jiritaanka heshiiskaas.

Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii labada madaxweyne C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed ay heshiis xabad joojin ku gaareen magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaalo maalmo socday, waxaana heshiiskaas noqday mid aan dhaqan gelin.