Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Baydhabo (Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Baydhabo (Sawirro)

by A M | Sunday, Apr 23, 2017 |

April 23 (Jowhar)— Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mas’uuliyiin jale

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil ka socota hey’adaha sama falka, kuwaasoo u kuur galaya xaalada guud ee gobolka, sida arrimaha bani’aadanimada.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii u horeeyay ee gudaha dalka uu ku tago, tan iyo markii uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha horaantii bishii Febraayo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka, waxaana wafdiga Madaxweynaha la geeyay xarunta Madaxtooyada Baydhabo.