Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Senator, La Taliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shirka Ganacsiga Afrika 2017 oo ka dhacaya magaalada Sharma Sheikh, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota Afrika iyo Marti sharaf kale.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika, waxaana sidoo kale looga hadlayaa ganacsiga sida loo kobcin lahaa ganacsiga yar yar iyo maalgashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in aanu wax khudbad ah ku laheyn shirka, iyadoo khudbado ku leeyihiin illa shan Madaxweyne afrikaan oo kala ah Madaxweynayaasha Rwanda, Comoros, Guinea, Ivory Coast.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Masar, bishii August ayuu Madaxweynuhu booqasho rasmi ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.